Tan iyo markii aasaaskeeni ee sanadkii 2003, TIRRC ayaa kasoo kortay shabakad aan rasmi ahayn ee hoggaamiyeyaal bulsho oo u gudubtay mid ka mid ah isbahaysigga ugu kala duwanaanta iyo wax ku oolka ugu badan ee caynkeeda ah, u qaabaysan qaab ah xuquuqda ururada soo galootiga koonfur bari ee waddanka Mareeykanka. 

Hadda oo ay noo tahay sanadkii afar iyo tobnaad, waxaa heer qarameed naloo aqoonsan yahay kala duwanaasha qowmiyadaheena, dhismaha isbahaysiga jiilalka qowmiyadaha kala duwan kala duwn, u doodidda sharci-dejinta wax ku ool ah, iyo abaalmarinta dadaallada isgaarsiinta ah. Waxaan abaabulnaa shakhsiyaadka soo galootiga ah iyo qaxootiga, iyo sidoo kale ururada u adeega muhaajiriinta iyo bulshada qaxootiga.

11659454_10153092369169069_3128987778109413888_n.jpg
 

 

Hadafka

Isbahaysiga Xuquuqda Qaxootiga & Muhaajiriinta ee Tennessee-ka (TIRRC) waa howlgal gobolka oo dhan ah taa soo ah wada shaqaynta qaxootiga uu hoggaaminayo iyo muhaajiriinta oo hadafkeedu yahay in la xoojiyo muhaajiriinta iyo qaxootiga ee Tennessee-ka oo dhan si loo horumariyo cod midaysan, u difaacaan xuquuqdooda, loona abuuro jawi taasoo loogu aqoonsado fikir ku biirintoodu fiican ee gobolka. 

 

 

Himilada

Waxaan nahay isbahaysiga muhaajiriinta, qaxootiga, iyo xulafadooda oo ka shaqeeya kor u qaadidda xorriyaadka asaasiga ah ee dadka Mareykanka iyo xuquuqda aadanaha iyo inaan dhisno Tennessee xoog badan, soo dhaweynayo dadka, oona ah mid loo dhan yahay. Waxaan aaminsanahay isbedel dhab ah oo waara si loo helana waa in ay hogaamiyaan kuwa sida tooska ah ay u saameeyeen caddaalad darrada, waana sababtani abaabulka bulshada iyo horumarinta hogaaminta ay u tahay xeeladaha asaasiga ah aan u isticmaalno si aanu u xaqiijino himiladeena. Waxaan isu keenaa bulshooyin muhaajiriin ee kala duwan ee gobolka dhan si loo baaro sababaha asalka, loo helo danaha caamka ah, loona abaabulo xaaladaha wanaagsan. Waxaan ku dadaalnaa inaan kor u qaadno codadkii dadka sida tooska ah u saameeyeen una maal-gelino madaxda heer hoosaadka, si loo xaqiijiyo aragtida isbedelka inay ka muuqato habka aanu u gaadhno go'aamada, shaqada aan fulino maanta, iyo dhabbah aan u dhignay in loo maro mustaqbalka.