Mid ka mid ah caqabadaha ugu weyn ee soo food saartay malaayiin soo galooti ah waa barashada Ingiriisiga. Waayo, soo galooti iyo qaxooti badan, caqabadda isu biirsatay ee aqoon la'aantooda Ingiriisiga ah waa farqiga qoirsta (barashada) casriga ah ee bulshadeena ay ku horumartay oo ah teknoolajiyada. TIRRC waa ka qayb qaadashada tijaabo heer qaran ah ee barnaamijka hal-abuurka Ingiriisiga (EI), oo kaashanaya lix goobood oo kale ee Mareykanka, hadafka laga leeyahayna waa in ka badan 1,000 bartayaasha shakhsiga ah inay ka qaybgalaan koorsooyinka goobaha lix gobol ee dalka Mareykanka ee 2017. 

Hal-abuurka Barashada Ingiriisiga (EI) waa qaab waxbarasho bulsho oo isku liifaaqan taa soo kulmisa barashada luqadda Ingiriisiga iyadoo ku baxayso is-kaashi, jawi taageero fasaleed oo ah qalab onleen. Tani waxay awood siinaysaa shakhsi xawaareedka, waxbarasho madax banaan ee ugu yaraan 100 arday sannad kasta. Natiijada laga filayo Manhajkeena caadada ah oo wajahday qalabka casriga ah iyo taageerada jaalka waa in ardaydu ku bartaan akhriska, qoraalka, iyo ku hadalka Ingiriisiga si ay u qalabayso (ugu diyaariso) tagidda dugsiga, shaqada, iyo inay qibrad u yeeshaan isdhexgal wanaagsan ee buslhada. Ardaydu waxaa la siiyaa fursado fasalka gudahiisa ah si ay u horumariyaan Ingiriisigooda iyadoo loo marayo samaynta howlaha ee koox yar, munaaqashooyin fasalka gudahiisa ah iyo ka qayb-qaadashada mashaariicda. Ardayda waxay sidoo kale si dheeraad ah u sahamiyaan bulshadooda iyada oo la samaynayo bandhigyo ururada ee bulshada ah iyo safara dibadda ah. 

Wixii macluumaad dheeraad ah ama in la diiwangeliyo wareegyada soo socda, fadlan soo wac (615) 414.1030.

IMG_7589.JPG
 

 

Wajahidda Habka Hal-abuurka Ingiriisiga

  • Haykalka manhajka oo loogu tala galay isku daridda xirfadaha qoridda casriga ah & horumarinta luqadda

  • Qaabka isku darka ah waxay bixisaa barasho gudaha fasalka ah iyo waxbarashada xawaara shakhsiyeedka iyada oo lagu qaadanayo qalab onleen ah iyo waxbarashada ku salaysan ciyaarta 

  • Iskaashiga jawiga fasalka gudahiisa ah waxay fududeeysaa garashada, bulshada, iyo hawlgelinta dareeneed 

  • Hawlaha ee uu fududeeyo macallinka, ka qayb-qaadashada iskaa wax u qabsiga, iyo taageerada jaalka waxay awood siisaa bartayaasha 

  • Barashada u qaabaysan aasaaska bulshada, ka qayb-gelinta soo galootiga u doodidda ee wax ku oolka u ah isdhexgalka soo galootiga 

Wixii macluumaad dheeraad ah ama in la diiwangeliyo wareegyada soo socda, fadlan soo wac (615) 414.1030.