Muwaadiniin badan ku haminaya, jidka loo marayo muwaadinnimada (dhalashada) inuu dheer yahay, qaali yahay oona adag yahay. Barnaamijka yagu waxaa loogu daah-furay in wax looga qabto baahidan, gacanna looga gaysto 70,000 ee deganaanshaha joogtada ah ee Dadka Tennessee-ka ah nidaamka dhalasho qaadashada, iyo sidoo kale soo dhex-gelinta bulshada muwaadiniin cusub. Waxaanu ka caawinaa shakhsiyaadka u qalma inay noqdaan muwaadiniin anaga oo siinayno tababar xagga ka caawinta codsiga, halkaas oo aad ka heli karto gargaar mid ah oo ay bixinayaan mutadawiciin iyo qareena kuwaasoo idinka caawinaya buuxinta waraaqaha. Inta lagu guda jiro habkan, waxaa sidoo kale laydin marin doonaa baaritaan lacag dhaafitaan ah.

TIIRCpictures_000009.jpeg

Habka adeeg bixinta yada wuxuu awood siiyaa bulshooyinka soo galootiga ah. Waxaanu in ka badan ka caawinaa qoysaska buuxinta codsiyadooda; waxaan si buuxda isugu keenaa bulshada si loo kordhiyo tirada dadka codsanaya muwaadinnimada. Waxaan dadka ka caawinaa inay fahmaan faa'iidada qaadashada muwaadinnimada, ku wargelinaa bulshooyinka dan-yarta ah inay ogaadaan laga yaabo inay u qalmi karayaan lacag dhaafitaanka, la siinayo gargaar xagga codisiga ah oo qiimo jaban ah, oona lagu dhiirigelinayo ka qaybgalka bulshada iyada oo loo marayo barnaamijyada yada ee qayb-qaadashada rayidka.

Riix halkan si aad u aragto jadwalka ballamada iyo fursado mutadawacnnimo ah. Wixii macluumaad dheeraad ah, wac (615) 414.1030.

 

 

U qalmidda Aasaasiga ah

Si aad u noqoto muwaadin U.S.ah, waa in aad:

  • Ahaataa ugu yaraan mid 18 sano jir ah wakhtiga buuxinta codsiga muwaadinnimada ee loo yaqaano
     
  • In si joogto ah aad u daggan tahay ugu yaraan 5 sano
     
  • Ku noolayd dalka Mareykanka si joogta ah ugu yaraan 5 sano
     
  • Aad ku sugnayd dalka Mareykanka ah ugu yaraan 30 bilood oo ka mid ah 5ta sano oo ugu danbaysay
     
  • Aad ku noolayd ugu yaraan 3 bilood gobolka halka aad ka codsanayso
     
  • Aad tahay qof asluub ama anshax fiican
     
  • Muujiso lifaaqa ah mabaada'a iyo hadafyada Dastuurka Mareykanka
     
  • Aad awooddo inaad akhrido, qori karto, aadna ku hadli kartid Ingiriisiga aasaasiga ah
     
  • Aad fahan aasaasi ah ka haysato taariikhda Maraykanka iyo dawladda
     
  • Ugu dhaarato dhaar daacadnimo ah dalka Maraykanka